5 shay wakhti haku lumin
Waqtigu waa hantida ugu qaalisan ee aan haysano haddan nahay aadahamaha adduunka ku nool, waxaana muhiim ah in aan si xikmad leh u isticmaalno si aad u gaadho badhaadho iyo guul dhamaystiran, Halkan waxaa kuugu soo gudbin doonaa 5 arrimood oo ay muhiim ah in aanad waqtigaaga qaaliga ah ku lumin ee aad ka ilaaliso markastana ka fogaato.
1.Dadka aan qiimeynin dadaalkaaga
Ha ku lumin waqtigaaga dadka aan ku taageerin ama aan qiimeynin dadaalkaaga. Sida uu sheegay Bertrand Russell, noloshu waa mid gaaban oo qiimo leh, mana aha in aan ku lumino uruurinta gefafka dadka kale ama isku dirkooda, qofkastaa wuxuu leeyahay hadaf iyo ujeedo gaar u ah isaga oo aan cid kale la wadaagin, sidaas darteed dedaalkaaga adigaa iska leh cidii ku farxaysa ma ka xumaanaysa adigu wax ka qaban kari maysid, kaliya wakhtigaaga qaaliga haku luminin.
Adigu waxaad ku hawlan tahay sidaad meel sare u gaadhi lahayd yacnii u guulaysan lahayd, bal ka waran haddii guul ka dhex baadho dadka kale waxay kaa aaminsan yihiin halkii aad ujeedkaaga uun awooda saari lahayd? Jawaabtu waa cadday, marna dadka ka heli maysid waxaad rabtay oo dhan ama qayb ka mida, wakhtina wuu kaaga lumaya intaad iyaga muhiim ka dhigayso, waxaad kuu fiican inaad adigu aanad culays kale isaga saarin intaad cid kale raali galinayso ee aad taada uun ku filnaato, wixii kale iyagaa iska hagaagi doonaa marki kale.
2.Ka welwelka fikirka dadka kale
Inaad si joogto ah uga welwelsan tahay waxa dadka kale ka fikiraan waxay kaa hor istaagi kartaa horumarkaaga. Waa muhiim inaad diirada saarto hadafyadaada iyo horumarkaaga shakhsiyeed, si aanad uga lumin waddada guusha adigo cidkale raali galinayo, welwelku wuxuu dilaa wax-soo saarka qof insaanka ah wuxuu soona kordhiya dhibaatada oo laba jibaaraa, kolkaas intuu wax ku yeeli lahaa hakaa maqnaado, kolna wax ku tari maayee wax yeeladiisa uun ha isku dhibin.
Markasta oo uu bato welwelkaagu waxaa yaraanaya waxsoo saarkaaga waayo qof fikirayaa waxba masoo saari karo sidaasi darteed waa kuu muhiim inaanad welwelka isku badin, bini aadam baynu nahay kolay waxaan la kulmi karnaa wax yaala badan oo aynaan ku farxin laakiin haddii aanad waxba ka qaban karin iska dhaaf oo alle talo saaro markasta oo aad xaaladaan oo kale gashid si aad u illashato xasiloonidaad gudaha iyo wax soosaarkaaga maalinlaha ah ugu yaraan.
3.Raadinta saxnaansho buuxda (Perfectionism)
Dadaalka aad ugu jirto inaad wax walba si qumman u qabato waxay kaa hor istaagi kartaa inaad bilowdo ama dhammaystirto hawlo muhiim ah. Guusha waxay la timaadaa qaladaad iyo dib-u-eegisyo, sidaas darteed waa muhiim inaad aqbasho in khaladaad ay qayb ka yihiin horumarka.
Adduunka ma jiro shay bilowgiisii hore wada saxnaa taas bedelkeeda shay kaste marka hore magac ahaan ayuu u jiraa, balse markaas ka dib ayaa la habeeyo o laga dhigaa wax micna oo la fahmi karo lana isticmaali karo, haddiise qof ka bilaabay oo sugi lahaa inta uu dhamaystirayo guul kama gaadheen isaga way ku adkaanaysaa inuu keeno oo soo saaro
Sidaas darteed waxkaste oo aad bilowdo waa qasab marka hore inuu yeesho ceebo badan ee ha sugin inuu 100% sax noqdo waayo taasi waxay caddaynaysaa inaad tahay insaan dedaalaya oo aan is dhiibayn, taasina waa mid ka mida 5 qodob ee aan kaaga digayo maanata inaanad ku dhicin mid ka mida ama dhamaantood.
4.Dadka taban (Toxic people)
La joogitaanka dadka had iyo jeer taban ama xaga xun waxka eega waxay saameyn xun ku yeelan kartaa niyaddaada iyo horumarkaaga. Waa muhiim inaad ka fogaato dadka noocaas ah si aad u ilaaliso caafimaadkaaga maskaxeed.
Dadku sidiisaba waa laba uun mid xumaan sheeg ah iyo wanaag wada markaste, taas micnaheedu maaha inuu labadaas marxaladooda ku kala sugan yihiin balse waa mid kastaa dhinacuu awood saaro ama u fiirsado, iayadoo laga yaabo kan xumaanta ka sheekaynayo markaste uu ka sugan yahay xaalad ka fican kan kalee wanaagga ka sheekaynaya waa dhican u fiirsato uun markaas waa muhiim angle ama xagasha aad ka eegayso waxkaste oo kulaso gudboonaado intaad nooshay.
Ilaahay nolosha wuu kugu intixaxamaya hadday dhib tahay iyo hadday wanaag tahayba, wuxuuna kaa rabaa inaad u mahad celiso haddii ay nimco ama wanaag tahay iyo inaad ku samirto haddii ay dhibaato ama imtixaan tahay, haddii labadaas midkood lagaa waayaan waad lumaysaa, anigaana naftaada haligay, sidaas ay tahay hadaad markaste ka ag dhowday qof xaga xun waxkaste ka eega adigana aakhirka wuu ku saamaynayaa waxaanad noqonaysaa la mid uun, yacnii waxba dhaami maysid mana arki kartif fursadaha ku horyaala bal laga yaabaa inay caqabado kugu noqdaanba waa haddi aanad wax ka qaban xilli horeba.
5.Cabashada badan
Cabashada joogtada ah waxay kaa hor istaagi kartaa inaad aragto fursadaha iyo wanaagga nolosha. Isku day inaad diirada saarto fursadaha iyo horumarka halkii aad ka caban lahayd wax walba. Inaad waqtigaaga si xikmad leh u maareyso waxay kaa caawin kartaa inaad gaarto hadafyadaada oo aad noloshaada ka dhigto mid macno leh, halkii aad markaste ka caban lahayd hadda ogow adiga oo og inaanad waxba ku helay cabashadaas aad wado habeen iyo maalinba.
Noloshaada qorshe ka dibna alle talo saaro, hore u soco, ha caban dibna hasoo eegin waa taladda ugu fiican ee aan ku siin karro hadaad talo I waydiisato, laga yaabaa qofka cabanayaa haddi uu tamartaas ku bixin lahaa shaqo kale inuu meel fiican gaadhi lahaa, balse isagaa dhib isugu filan oo wuxuu muhiim ka dhigay waxaan muhiim ahayd, isaga oo ka mashquulay waxay ahayd inuu focuska saaro oo fursadaha hor yaala, maaha caqabadaha.
Ugu dambeeyay dhamaan qodobadaas aan kasoo hadalay waa wax maanta laga dhex arki karo bulshadeena, oo saamayn muuqata ku leh, mana ahayn in ay gaadhaa ilaa halkaas ay maanta joogaan, adiga waxa kaliya ee aad ka qaban kartaa waa inaad naftaada ka fogayso ugu yaraan oo aan lagu saameyn haddii aanad bulshada ka dawayn karin.
Qodobadaasi waxay muhiim u yihiin bulshada oo dhan qofkate waa inuu naftiisa ka bilaabaa, kadibna asxaabtiisa iyo dadka ku dhaw ilaa bulshada guud laga gaadhayo, waayo dhibaato bulsho ee maaha wax qof ama dad yar ku kooban, markaa hadaad adiga ka nabad gasho dadka kalena laga dagaalan inaanay saamayn ku yeelan.