Blogging
Blogging-gu waa hababka loo wadaago macluumaad, qoraallo, muuqaallo, ama sawirro joogto ah oo lagu daabaco mareeg website, gaar ahaan oo loo yaqaan ‘blog’. Waxay ka caawisaa dadka inay wadaagaan aqoon, khibrad ama madadaalo, waxaana loo isticmaali karaa dhisidda sumad shakhsiyeed (personal brand) iyo kasbashada lacag internetka ah Haddi aad ku fiicantahay wax qorida, waxaad hibadaada qorida ka samaynta karta lacag. Waxaad samaynaysaa websiteka dibna, maqaalo kusoo qoraysaa, marka websitekaaga la barto waxaad codsi u diraysaa google adsence, markuu ku aqbalo waxaa laguuso fasaxayaa xayaysiiska (Ads). Kaddibna bilkasta sidaasaad lacag ku samaynaysaa.
Adiga oo hurda, shaqo ku jira ama waxbarasha jooga ayaan websitekaaga lacag kuu samaynayaa hadaad si joogto ah maqaalo” Articles”, usoo galiso waxaana kuusii badanaya lacagta bilkasta aad ka samayso waa hadii blog kaagu yahay mid buuxiyay shuruudaha loogu talo galay in adsence lacag looga sameeyo.
Waxaa muhiim ah inaad doorato ciwaan aad ka hadashid markasta kaas oo lagugu bartay, oo aanad ka leexanayn, tusaale, Sport, Siyaasad, Caafimaad, waxbarasho Iyo ganacsi oo dhamaantood ah mawduucyo muhiim ah midkastana laga samaynta maqaalo iyo buugaag.
Markaad doonato ka dib wuxuu ku siinaya aqoon iyo khibrad dheeri ah oo aad wax badan kaga qori karto mawduucas la xidhiidh, waxaad ka sameyn karta maqaalo fara badan oo kale duwan, adigo marka hore doonaya ciwaan ku habboon mawduuca aad ka hadlayso, ogow ciwaanku waa kan ugu muhiimsan marka la google oo ah madasha lagu kulmo, haddii aanad dooran ciwaan fiican wuxuu saamayn toos ah ku yeelan karaa mawduuca aad ka hadashay ama wax ka qortay markaste SEO, wuxuu xooga saaraa cinwaanada aadka loo baadho ee suuqa fiican leh, sidoo kale tayada maqaalkaaga ayaa muhiim ah iyana oo waa inuu noqdaa mid wax laga faa’idayo si uu u gaadho dad badan oo cusub markaste, una sii haysto dadkii hore ugu xidhnaa.
Markasta waxaad isku daydaa inaad dooratid waxaad ku fiican tahay aad is leedahay waxaad ka haysaa xog badan, inta kaa dhimana waad heli kartaa, waayo ma jiro qof waxkasta garanayaa laakiin waxaa jira qof garanaya wax kasta halkuu ka heli laha, markaas waxaad keeni kartaa maqal aad u qiimo badan, sidoo kale baadhitaankuna waa muhiim oo intaanad waxba qorin ka hor waa inaad soo baadho mawduuca aad ka hadlayso si xog fiican aad uga hesho oo kugu filan, intaas ka dib waa heli kartaa space aad wax fiican kusoo gudbiso, laakiin wuxuu kaaga baahan yahay dedaal joogto ah markastana hore mar ayuu kaa rabaa si aad ula qabsato is bedel ku socda xogta iyo aqoonta markaste la hayo oo is bedelaysa xilli kaste.
Noocyada blogging Ka
1.Blog Shakhsi Ah: Qofku wuxuu ku qorayaa waayo-aragnimadiisa, fikradihiisa, iyo mowduucyada uu jecel yahay, isaga oo bulsho ku abuura akhristayaal xiiseynaya waxa uu ka hadlayo, wuxuu noqon karaa mid kooban oo aan dheerayn waayo wuxuu la hadlayaa dad yar sidoo kale waad dheerayn kartaa markaad u baahato ee aad hesho macaaliil cusub.
2. Blog Ganacsi Ah: Shirkadaha iyo ganacsatada waxay adeegsadaan blog si ay ugu soo jiitaan macaamiisha, una tusaan adeegyada iyo badeecooyinka kala duwan oo ay bixinayaan. Badanaa waxaa loo sameeyey in macaamiisha shirkadaasi ka helaan xog oo dhamaystiran, dhacdooyinka muhiim kau ah shirkada iyo cusub markaste, inay shirkadu leedahay website fiican waxay kordhinaysaa aaminaada iyo sumcada shirkadaas oo waxaa loo arkayaa mid la isku halayn karo oo aamin ah.
Sidee u bilaaba
Markaad bilaabayso blogging waa jira talaabooyinla raaco kuwaas oo ku gaynaya meeshaad doonaysay oo ah inaad ku guulaysato shaygaad bilowday, sidaas darteed qofka doonata inuu maqaal qorista bilaabo wuxuu raaci karaa talaabooyinkan aan hoos ku sheegi doono kuwaas oo muhiim ah inaad ogaato.
- Select a Niche: niche waa mawduuc gaar ah oo lagugu barto, markaas blogging samaynayso waxaa muhiim ah inaad doorato shay gaar ah oo aad ka hadasho markaste kaas oo lagugu barto, haddii aad maalinta mawduuc gaar ah kasoo hadasho way adkaanaysaa inaad yeelo dad ku xiiseeya oo kugu xidhan, waayo waxay ku doortaan baan jirin sidaas darteed dooro mawduuc kuu gaar ah adiga. Waa hubaal waxaad heli doontaa akhristayaal fara badan oo adigu ku suga intaad soo dhigayso maqaalkaaga.
- Choose a name and Domain: domain name waa magaca websitekaaga kaas oo ah calaamadaada gaarka kuu ah adiga, domain name waa magaca ku xiga www. Wuxuu kuu yahay shayga kaa saaraya websiteka kale oo dhan waayo majiri karo laba website oo isku magac ah, waa in midkastana yeeshaa magaciisa gaarka ah, markaa dooro magac fiican oo waliba ku habon waxaad ka hadlayso, tusaale hadaad caafimaad ka hadlayso waxaad dooran karta shaafi.com ama caafi.com, waayo waxay kuu sahlayaan in la fahmo mawduuca aad ka hadlayso intaan websitekaaga soo galinba, taasi waxay kaa caawin kartaa inay dad badan kugu xidhnaadan markaste.
- Choose Platform & Hosting: dooro mareeg fiican oo la heli karo markaste hosting waa meesha aad dhiganayso websitekaaga oo laga akhrisan karo markaste, waxaana jira hosting providence badan oo kale duwan midkastana wuxu leeyahay faa’ido gaar ah oo aanay kuwa kale la wadaagin.
- Create a content: abuurida mawduuc waa qodobka ugu muhiimsan ee looga baahan yahay qofka blogging bilaabaya, dhaman qodobada hore waa kuu muhiim laakiin markaad soo dhamayso dhamantod waxa ku sugaysaa waa shaqadii maalinlaha ahayd ee qorida articles ama maqaalo, waana taas tan ugu muhiimsan oo haddi wixii hore oo dhan aad soo wada laakiin aad kan ku guul daraysato intii hore waxba ku tari maayaa oo heli maysid akhristayaal joogto ah oo ku xidhan maqaaladaada, sidaa darteed ku dedaal inaad diyaariso maqaalo qiimo leh lagu qanci karo, kuwo cusub iyo inay markaste update ahaato xogtaad gudbinaysaa.
Blogging ka Guulaystay
Inuu blogginkaagu guulaystaa waxay u baahan tahay dedaal badan, laakiin waxaa jira 3 qodob oo muhiim u ah kuwaas oo haddii aad raacdo laga yaabo inaad yeelo akhristayaal joogo ah oo badan.
- Keyword Research: waa kalmadaha maqaalkaaga ku jira ee furaha ah sida ciwaanku iyo tags ka waa inay noqdaan kuwa aad looga raadiyo mareegta google SEO, waxay qiimo u yeelaysaa article kaaga meel fiicana wuu gaadhi karaa hadaad iska saxdo keyword ka.
- Consistency: waa inuu joogto noqdaa maqaalada aad qoraysaa laakiin haddii aad maalina qorto maalina aad iska dayso taas micnaheedu waxa weeye blogging kaagu maaha mid si joogto ah wax loogu daabaco, waxayna saamayn kartaa soo muuqashadiisa.
- Engagement: waa inaad dadka gaadhsiisaa adiga oo isticmaalaya social media sida facebook, Instagram ama kuwa kale waxaad ka heli kartaa macaamiil badan oo soo noqnoqda
Dhamaan qodobadaasi waa kuwa ku caawin karra haddii aad adeegsato adigu oo aad waliba si saxan u isticmaasho, meel fiicana gaadhsiin kara maqaalkaaga.
