Google AdSense Approval

Google AdSense Approval

Google AdSense waa barnaamij shirkada google iska leedahay kaasi oo loogu talo galay in dadka leh website yada, blog yada iyo Youtube ay lacag ka sameeyaan internetka, wuxuu u shaqayaa qaab fudud oo ah in account kaaga la dhex mariyo xayaysiis si u ay arkaan dadka kugu xidhan ka dib aad dhaqaale ka hesho qof kaste oo arka, daawada iyo click siiya ads-ka ku jira account kaaga, si kooban waxaa weeye shirkadaha Alaabooyinka soo saara waxay rabaan in la barto alaabtaasi ka dibna laga iibsado si ay faa’ido uga sameeyaan, si taasi u dhacdo waxay sameeyaan xayaysiis badan, shirkadan google waxay ka mid tahay meelaha wax lagu xayaysiiyo kuwa ugu waaweyn wakhtigan la joogo, sidaasi darteed waxay xayaysiis siiyaan cidda ay u arkaan in ay leedahay waadasho badan ama dad badan ku xidhan yihiin, waana taasi waxa loo yaqaano google ads ama Adsense oo maanta ka hadli doonaa.

Maqaalkan waxaan kaga hadli doonaa waa maxay google adsense? Sidoo kale waxaan tilmaami doonaa talaaboyinka loo baahan yahay si aad u hesho aqbalaada google “Adsense Approval” ugu horeyn Adsense sidaan soo sheegnay waa program ay iska leedahay shirkada google kaasi oo caawin karra inaad internet lacag ka samayso haddii aad leedahay madal aad wax kusoo gudbiso taasi oo dad badan ku xidhan yihiin sida blogger, website, Mobile app ama Youtube, haddi aad intaasi soo dhaafto waxaa lagaa rabaa shuruudo gaar ah oo ay leedahay google.

Waa maxay shuruudaha Adsense Approval

Adsense approval wuxuu leeyahay shuruudo isaga u gaar ah kuwaasi oo laga rabo qofkaste oo rabo inuu dhaqaale ka sameeyo adsense program, hadaba waxaan halkan kusoo gudbin doonaa qaar ka mid shuruudahaasi iyo sidii aad u buuxin lahayd.

Maddal ma Leedahay

Si aad u hesho adsense approval ama aqbalaada adsense waxaa muhiim ah inaad leedahay madal aad wax kusoo gudbiso sida website, Youtube ama blog, tani waxay kaa caawinaysaa inaad codsan karto ads si aad dakhli uga samayso, sidaasi darteed waa muhiim inaad haysato madal aad wax kusoo gudbiso marka aad rabta adsense approval.

Website ku waa kan ugu muhiimsan ee aad ku codsan karto ads, waayo wuu ka fudud yahay dhammaan kuwa kale ee aan soo sheegnay ee jira, waxaad kusoo gudbin kartaa maqaallo qiimo leh kuwaasi oo soo jiita akhristayaal badan, si aad u hesho adsense approval.

HERE WE ARE

Buuxi Adsense Policy

Adsense policy waa shuruudaha u degan google adsense ee lagaa rabo si aad u hesho aqbalaada, waana inaad u raacdo siday yihiin oo midkaste buuxisaa markaasi ka dib ayaad codsan kartaa ads. Waa kuwan qaar ka mid ah inta ugu muhiimsan.

Traffic sources

Qodobka ugu muhiimsan waa inaad hesho Traffic sources oo ah dad soo bookhda website kaaga waliba is joogto ah oo maalinle ah, taasi waxay keenaysaa in laguu furo ads ama aad hesho adsense approval, haddaba si aad u hesho traffic badan waxaa muhiim ah inaad soo gudbiso wax dadku xiisaynayo oo faa’ido u leh, ugu horayn baadh mawduuc xiiso badan ku leh dadka dhexdooda intaasi ka dibna isku day inaad ka qorto maqaal fiican oo dhinacyo badan taabanaya, taasi ayaa keenaysa inaad heli kartid dad badan oo ku xidhnaadan website kaaga.

https://support.google.com/adsense/answer/81904?hl=en#issues_with_your_traffic_sources

Sufficient Content

Sufficient content waa inaad soo galiso websitekaaga maqaalo ku filan in ads la saari karo, sida caadiga ahna waa 20-30 articles oo dhaadheer waliba, waayo google wuxuu rabaa in meesha uu ads galinayo ku jirto xog fiican oo qofku akhrisan karo muddo ku filan inuu kula falgalo meesha, sidaasi darteed waxaa muhiim ah inaad qorto maqaalo badan oo aad waliba si fiican u diyaarisay, wakhti fiicana aad galisay.

https://support.google.com/adsense/answer/81904?hl=en#insufficient_content

Content Quality

Quality of content waa inaad qortaa maqaalo tayo fiican leh oo aad wakhti badan galisay, inaad maqaalo badan qorto oo kaliya muhiim maaha ee sidoo kale waxaa muhiim ah inaad noqdaan kuwa leh quality fiican, oo qofka akhrisanayaa ku negaan karro wakhti fiican, isku day markaste inaad qorto articles nuxur fiican leh oo soo gudbin kara wax badan oo muhiim ah ama dadku u baahan yihiin.

https://support.google.com/adsense/answer/81904?hl=en#content_quality_issues

Site Navigation

Site navigation waa inuu website kaagu noqdaa mid la maamuli karo ama si fiican u diyaarsan oo dadku aanay ku adkeyn inay waxka baahdaan, sidoo kale marka google review ku samaynayo websitekaagu waa inaanu noqon mid ay adag tahay inay fahmaan ujeedkiisa ama maamuli kari waayin, sidaasi darteed diyaari website si fiican aad dhistay oo qofkaste isticmaali karo ama adeegsan karro.

https://support.google.com/adsense/answer/81904?hl=en#site_navigation_issues

Content Policy

Content policy waa inaad raacdaa habka u dagan ee maqaalada aad daabacday ay noqdaa kuwa raacsan siyaasada guud ee adsense program policy oo ah inaanad qorin wax kasoo horjeeda sharcigan ee saxeexday, waa inaanad soo gudbin wax cid dhibku ah sida qoraalo xun ama muuqaalo aad waafaqsanayn sharcigan google sida dagaal ama wax la mid ah, sidoo kale dhamaan maqaalada aad qortay ka ilaali inaad kusoo darto wax aanad lahayn ama copy right ah sida sawir, muuqaal ama maqaal.

https://support.google.com/adsense/answer/81904?hl=en#content_policy_violations

Support Language

Support language waa luuqada uu yaqaano google adsense, waxaa ugu muhiimsan waa English oo ah luuqada ugu fiican inaad  ka dhigto website kaagu body guud laakiin maqaalada aad daabacayso waxaad ka dhigan kartaa luuqada aad adigu doonto, ee wuxuunba muhiim menu sare ama page hore inay noqdaan luuqad uu fahmi karto google adsense sida English ama Arabic sidoo kale luuqadaha international ka ah waad ka dhigan kartaa midkood, halkan hoose waxaad ka eegi kartaa dhamaan luuqadaha uu taageero google oo aad wax ku qoran karto ama website ka dhigi karta midkaste oo aad fahmi karto waad qaadan kartaa dhib ma leh.

https://support.google.com/adsense/answer/9727?sjid=12358398648033636418-EU

One Adsense account

Duplicate adsense account lama ogola waxaa qof kaste loo ogol yahay inuu yeesho hal account oo kali ah, haddii aad leedahay website badan waxaan ku wada xidhan kartaa hal adsense oo kaliya adiga oo halkaasi ka wada helaaya wixii ku saabsan adsense oo dhan, laakiin maaha inaad mid kaste u samaysan karto adsense gaar u ah, waayo google ma ogola inaad xog isku mid ah ku samaysato laba iyo wixii ka badan oo account ah, waana qodobka ugu muhiimsan dhamaan intaan soo sheegnay, oo haddii aanad raacin dhamaan kuwa kale waxba kuu hagaagi maayo. Sidaas darteed iska hubi inaad leedahay hal account oo adsense, si aad iskaga xidho raac linkigan hoose.

https://support.google.com/adsense/answer/9914?sjid=12358398648033636418-EU

google wuxuu aqoonsan yahay account kaliya ah  https://adsense.google.com/adsense/terms

waa qodob muhiim ah ee iska hubi inaad raacdo.

Si aad u akhrido dhamaan qodabadii aan soo sheegnay linkigan hoose raac

https://support.google.com/adsense/answer/81904?hl=en

Abdi Wahab is a web designer and digital marketer specializing in WordPress, SEO, website development, and online business growth. Through Shimaali.com, he helps individuals and businesses build professional websites and improve their online presence.

Leave a Reply

Contact Form Demo

Join and get amazing discount

Contact Form Demo (#4)