Prompt Engineering

Prompt Engineering

Sanadihii u dambeeyay, garaadka Macmalka ah (Artificial Intelligence AI) wuxuu noqday tiknoolajiyadda ugu saamaynta badan dunida. Noocyada kale duwan ee AI sida Chat GPT, Gemini, Claude, Copilot iyo kuwo kale ayaa awood u leh inay qoraan qoraallo, abuuraan sawirro, sameeyaan koodh, turjumaan luqado, falan-qeeyaan xog, isla markaana ka caawiyaan dadka shaqooyin badan oo maalinle ah, Si kastaba ha ahaatee, tayada jawaabta AI waxay si weyn ugu xiran tahay sida aad u weydiiso su’aasha ama aad u siiso tilmaamaha waxaad doonayso, Halkaas ayay ka dhalatay xirfad cusub oo loo yaqaan Prompt Engineering. Maqaalkan maanta waxaan ku baran doonaa Prompt Engineering, sababta uu muhiim u yahay, faa’iidooyinkiisa, noocyada prompts-ka, sida loo qoro prompt wanaagsan, khaladaadka la iska ilaalinayo iyo sida aad xirfaddan ugu adeegsan karto shaqada, ganacsiga, iyo waxbarashada. Oo ah meelaha uu aad ka saameeyey Ai, haddii aad rabto inaad xog ka raadiso Ai waxaa muhiim ah inaad samayso prompt sax ah kaasi oo kaa caawin kara inaad hesho jawaabtii aad rabtay oo saxan.

Waa Maxay Prompt Engineering

Prompt Engineering waa habka loo qorsheeyo loona qoro tilmaamo (prompts) cad sax ah, oo faahfaahsan si AI u bixiyo jawaabo tayo sare leh, sax ah, iyo kuwo waafaqsan baahida isticmaalaha, Ereyga Prompt wuxuu ka dhigan yahay su’aasha, amarka, ama tilmaanta aad siinayso AI, tusaale ahaan: waxaad ii qortaa maqaal 1200 erey ah oo ku saabsan faa’iidooyinka Artificial Intelligence, adigoo adeegsanaya cinwaanada SEO ah, hordhac, gunaanad iyo ugu yaraan 10 faa’iido, Prompt-ka wuxuu siinayaa AI xog badan, taasoo horseedaysa jawaab aad tayo wanaagsan, ereyga prompt waa erey English ah oo micnahiisu yahay code ama afgarad, waa waxay isku fahmi karaan computer ama AI iyo human ku dadku, kaasi oo ka dhigan inaanay isaga la,aantii is fahmi karin ama wada jaan qaadi karinba.

Sidee U Shaqeeyaa?

AI ma akhriyo maskaxda qofka. Waxa uu fahmaa keliya qoraalka aad u dirto, Marka prompt-ku yahay: Cad, Faahfaahsan, Leh ujeeddo, Si wanaagsan loo qoray AI waxay awood u yeelanaysaa inay soo saarto jawaabo sax ah oo laysku halayn karo. Haddii prompt ku noqdo mid aan caddayn, jawaabtuna waxay noqon kartaa mid guud ama aan buuxin waxa aad rabtay ama aan gaadhsiisnayn meel aad u jeeday sidaasi darteed waxaa muhiim ah inaad iska saxdo prompt aad adeegsanayso si aad u hesho jawaabtaad rabtay.

Prompt Engineering wuxuu noqday xirfad si weyn loo raadinayo sababtoo ah AI maanta waxaa loo adeegsadaa: Waxbarashada, Ganacsiga, Suuq-geynta (Marketing), SEO, Barnaamijyada kombiyuutarka, Cilmi baarista, Adeegga macaamiisha, Naqshadeynta iyo Qoraallada blog-yada Qofka yaqaan sida loo qoro prompts wanaagsan wuxuu badbaadin karaa waqti badan isla markaana heli karaa natiijooyin tayo sare leh.

Noocyada Prompt

Waxaa jira noocyo kala duwan oo prompt ah oo loo isticmaalo garaadka Macmalka ah (AI), mid kastaana wuxuu leeyahay ujeeddo gaar ah taasi oo ka dhigaysa mid gaar ah oo ka duwan kuwa kale.

1. Direct Prompts

Sidoo kale waxaa loo yaqaan Zero-shot prompting waa hab lagu siiyo model ka AI amar ama su’aal toos ah iyadoo aan la siin wax macluumaad dheeraad ah ama tusaalooyin, Tusaale ahaan: waxaa loo isticmaali karaa soo saarista fikrado (idea generation), iyada oo model ka laga codsayano inuu abuuro fikrado cusub ama xalal hal-abuur leh. Waxaa sidoo kale loo isticmaalaa soo koobid (summarization) ama tarjumid (translation), waxaana oo AI model laga codsanayaa inuu soo koobo ama u turjumo qoraal.

2. One, Few, iyo Multi-shot Prompt

Habkani wuxuu ku lug leeyahay in modelka la siiyo hal tusaale dhowr tusaale ama tusaalooyin badan oo muujinaya gelinta (input) iyo natiijada la doonayo (output), ka hor inta aan la siin prompt-ka dhabta ah. Tusaalooyinkan waxay ka caawiyaan modelka inuu si fiican u fahmo hawsha la doonayo, taas oo keenta jawaabo sax ah oo tayo leh.

3. Chain of Thought Prompts

Chain of Thought (CoT) waa hab dhiirrigeliya modelka AI inuu u kala jebiyo fikirka ama xalinta dhibaatada tallaabooyin isdaba-joog ah ka hor inta uusan bixin jawaabta ugu dambeysa. Habkani wuxuu inta badan soo saaraa jawaabo aad u faahfaahsan, ugu nidaamsan, oo waliba si macquul ah u dhisan, gaar ahaan marka la xallinayo dhibaatooyin u baahan falanqayn.

4. Zero-shot Prompts

Zero-shot Chain of Thought (Zero-shot CoT) wuxuu isku daraa Zero-shot prompting iyo Chain of Thought prompting. Halkii tusaalooyin laga siin lahaa, prompt-ku wuxuu si toos ah uga codsadaa modelka inuu dhibaatada u xalliyo tallaabo tallaabo

Faa’iidada

Isticmaalka prompt Engineering Waxay leedahay faa’iidooyin badan kuwaasi oo ka dhigaya mid aan laga maarmi karin wakhtigan la joogo ama xoojinaya adeegsigiisa, laakiin markaste waxay ku xidhan tahay sidaad u adeegsato iyo aqoonta aad u leedahay isticmaalkiisa, waxaana ka mid ah:

1. Jawaabo Sax Ah

Prompt wanaagsan wuxuu AI ka caawiyaa inay bixiso jawaab sax ah, kaasi oo ah baahida ugu weyn ee qofku rabo inuu helo jawaabo ku haboon su’aashiisa, si aad u hesho waxaad rabto waa inaad adeegsataa prompt sax ah ku haboon waxaad rabto.

2. Waqtiga

Halkii aad dhowr jeer wax u sixi lahayd, waxaad hal mar heli kartaa natiijo wanaagsan wuxuu soo koobaa wakhtiga aad galinayso waxaad qabanayso oo uu muddo kooban kaaga dhigi karo, waa haddii aad marto wadada saxda ah ee uu leeyahay, sidaasi darteed wuxuu kuu badbaadin karaa wakhti aad wax kale ku qaban karto.

3. Wax-soosaar Sare

Shaqooyin badan ayaa lagu qaban karaa waqti gaaban taasina waxay keenaysaa inaad noqoto qof wax soo saar leh, halkii aad maalmo badan ku qaadan lahayd qabashada shay kaliya waxaad isku mari kartaa hawlo badan oo kale duwan, taasi waxay kaa dhigaysaa qof productive ah oo muuqda.

4. Tayada Qoraalka

AI waxay qori karaa maqaallo, email, warbixino iyo qoraallo xirfad leh, kuwaasi oo aanad dhamayn kartee isaga la’antii ama kugu qaadan lahaa wakhti fara badan, sidoo kale waxaad helaysaa qoraalo tayo badan oo aanad ku heli karin search engine ama meelo kale.

5. Turjumaada

Prompt wanaagsan wuxuu keenaa turjumaad sax ah, haddii aad u baahato inaad isku beddesho labada luuqadood ama ka badan wuu ku qaban karaa, laakiin waxaa lagaa rabaa inaad si fiican u qorto prompt, haddii aad wax khalado waxay keenaysaa inaad heli waydo turjumaadii aad rabtay ee saxda ahayd.

6. Falanqayn Xogta

AI waxay falanqayn kartaa xog badan iyadoo prompt sax ah la siiyo, waxay samayn kartaa data analysis oo ah shaqo adag oo muhiim ah wakhti badana qaadan lahayd haddii aanay jirin prompt loo adeegsan karo kaasi oo falanqayn degdeg ah kuu samaynaya.

Gunaanad

Prompt Engineering waa xirfad casri ah oo muhiim u ah qof kasta oo doonaya inuu si wax ku ool ah uga faa’iidaysto garaadka Macmalka ah (AI). Halkii AI aad u diri lahaa su’aalo guud, Prompt Engineering wuxuu ku barayaa sida loo sameeyo tilmaamo cad cad, faahfaahsan, oo leh ujeeddooyin qeexan si loo helo jawaabo sax ah oo tayo sare iyo isku halayn leh.

Haddii aad tahay blogger, suuq-geeye, arday, cilmi baadhe, ama ganacsade, barashada Prompt Engineering waxay kordhin kartaa wax-soo-saarkaaga, waxay kuu badbaadin kartaa waqti, waxayna kaa caawin kartaa inaad si xirfad leh u isticmaasho aaladaha AI sida Chat GPT. Maadaama AI uu sii kobcayo, xirfaddan waxay noqon doontaa mid uu sii kordho qiimaheeda, taasoo ka dhigaysa maalgashi aqooneed oo faa’iido weyn u leh mustaqbalkaaga.

Abdi Wahab is a web designer and digital marketer specializing in WordPress, SEO, website development, and online business growth. Through Shimaali.com, he helps individuals and businesses build professional websites and improve their online presence.

Leave a Reply

Contact Form Demo

Join and get amazing discount

Contact Form Demo (#4)