waa maxay E-commerce
Waa maxay E-commerce? E-commerce ama electronic commerce waa iibka ka dhex dhaca internetka Iyada oo la isticmaalaya electronic device sida “lapton, mobile ama ipad” waxaa la kale iibsanayaa laba shay internetka dhexdiisa iyada oo aan la arag midna, ee kaliya lagu qancay sifadooda iyo sawiradooda, marka lagacta la kala qaato ka dib ayuu seller kii alaabti dirayaa oo qofkii iibsaday gaadhaysaa, way jiraan doodu ku saabsan sharcinimada iibkaas laakiin inagu maanta doodaa gali mayso, waxaan kaliya sharaxaysnaa waxay tahay ecommerce, sida lagu bilaabi karo, muhiimadiisa, faa’ido iyo khasaare wuxuu leeyahay iyo waliga tusaaleyaal.
tusaale ahaan waxaad u baahantahay in aad soo iibsato mobile, sida caadiga ah qofka markuu u baahan yahay alaab waa inaad aadaa suuqa soona soo iibsadaa alaabti aad u baahnayd, hadaba ka waran halki aad aadi lahayd suuqa hadii aad isticmaashid mobile-kaaga ipadkaaga ama computerkaaga oo aad raadisid dad iibinaya mobile-kaas aad rabtid dabeedna aad la xidhiidhid lacagtana aad u dirtid iyagana ay kuu soo dhiibaan mobile-ka, hadaba wax kala iibsiga noocaas ah ee ka dhaxdhacaya internate ka ayaa loo yaqaanaa E-commerce.
Wuxu si toos ah ula xidhiidha alaabooyin la kale iibsanayo iyada oo aan la wada joogin, waliba qaarado kale duwan dad ku sugan iibku dhexmarayo, waxaa ugu weyn ee keenay ecommerce waa baahida suuqa ka jirta ama xaga qiimaha oo kale duwan, waayo inaad shay meel fog ka dalbato waxaa kugu kalifi karaa waa in aad suuqa caadiga ah ka wayday ama uu qiimo qaali ah ku yaalo, waa sababaha keena baahida ecommerce ama iib internetka ka dhex dhaca.
Faa’iidooyinka uu leeyahay e-commerce-ga
Waxaa kaloo jira faa’idooyin aad u tirabadan oo uu leeyahay e-commerce kuwaas oo ka dhigay in dad badani isticmaalaad, haddi aanay baahi daasi jiri lahayna maanta muu noqdeen mid sidaas oo dhan caan u ah, halkan hoose waa qayb ka mida faa’idooyinka Ecommerce leeyahay.
1-Gaaritaan caalami ah:
e-commerce-ga wuxuu ganacsatada u ogolaanayaa in si fudud ay u gaaraan dadka ku kala nool caalamka oo dhan taasoo ka dhigan helida macaamiil aad u fara badan, waliba si fudud oo kugu qaadan mayso wakhti badan inaad gaadho adduunka oo dhan, inaad hesho macaamiil badan waxay kaa dhigaysaa inaad faa’iido badan ku samaysid wakhti kooban gudihii, waana muhiimada ugu horeysa ee ecommerce.
2-Kharash yaraan:
E-commerce-ga ama ganacsiga onlineka waxaad ku bilaabi kartaa kharash ama lacag aad u yar marka loo barbar dhigo bilaabida ganacsiga caadiga ah oo ay khasabka tahay in aad kiraysatid xarun ama goob fiican oo ay dadka ku badan yihiin. Halka e-commercega aanay jirin wax kiro ama kharash kale oo kuugu soconaya. Hadaba kharash yaraantaas ayaa sababta in qof walba uu si fudud u bilaabi karo ganacsiga e-commerce-ga, haddii hesho alaab suuqa fiican leh waxaad ku helaysaa qiimo jaban, sidoo kale waxaad ka samayn kartaa dhaqaale fiican, mana jiro qarash kale oo badan oo kugu socdaa markaas iyana waa faa’ido kale oo uu leeyahay ecommerce, kana dhigay ganacsigaaga mid guulaysta markaste.
3-Iibinta alaabo badan:
hab online-ka ee wax lagu iibiyo waxay suurtagal ka dhigeen in aad ku soo bandhigi kartid oo aad ku iibin kartid alaabo aad u badan.
Waxaa taas dheer suuqgaynta digitalka ah sida facebook ads oo kuu ogolaanaya in si fudud aad u heshid macaamiil daneenaysa alaabta ama adeega aad iibinaysid, waxaad iibin kartaa alaabooyin badan oo waliba ka duwan adiga oo hal meel isugu keenaya ka dib xayeysiin fiican u samaynaya, taasi waxay saamaxaysa in qofkii hal shay kaa iibsadaa uu kaa heli karo kuwa kale oo uu u baahan yahay, waana qaab fudud oo macaamiil badan lagu samaysan karro muddo kooban, ganacsigaagii wuu kordhayaa oo wuxuu yeelanayaa suuq fiican.
Yaa bilaabi kara ganacsigaane-commerce-ga?
Waxaa bilaabi kara qof kaste oo danaynya ganacsiga ecommerce meeshuu joogaba, waxa ugu muhiimsan waa inuu qofku aqoon u leeyahay isticmaala social media waliba sida wax loogu dhex iibiyo, oo u baahan marketing, branding, sales iyo xirfadaha kale ee asaasiiga u ah media hadda la isticmaalo.
Intaa hadaad isla hesho waxaad u baahan tahay inaad shopify account ka furo, websitekaaga dhisto ka dibna aad product fiican doorato oo aad ka samaysid lacag fiican, shopify waa website kuu sahlayaa inaad wax ku dhex iibiso adiga oo account ka dhex samaysanaya, waxyaalaha uu qabto, siduu u shaqeeyo, faa’ido iyo khasaare wuxuu leeyahay iyo cidda isticmaali karta waxaan kaga hadli doonaa maqaal kale haddii alle yidhaa, laakiin waa inaad ogaato uun inu jiro.
SIDA AY U SHAQEYSO
Shaqada ecommerce waa shaqadii meherada caadiga ah qabayn lahayd oo ah iibinta alaabta loo baahan yahay, ecommerce waxaad iibinaysaa isla alaabti laakiin markan uma baahnid inaad alaabtaada keento boos lagugu yimaado taasi bedelkeeda waxaad iibinaysaa alaab aanad adiguba hayn ama meel kale taala, kaliya waxa la isku dirayaa waa sawiro iyo xog waxaas la kale iibsanayo, sidaas ayuu iibku ku dhacaya, marka la kale iibsado ka dib ayaad qofkii u dalbaysaa waxaad ka iibisay, adiga oo faa’ido ka dhex samanaya labadaasi qof dhexdooda.
Tulaase: mobile ayaa Alibaba ku yaala $225 waxaad samaysatay website shopify waxaadna soo galisay macluumaadkii mobileka adiga oo qiimahana ka dhigtay $295, marka qof kasoo dalbado mobilikaas ee uu iibsado xogtiisa aad heshid, waxaad toos mobilekii uga dalbaysaa Alibaba adiga u diraya lacagtii qiimuhu ahaa ee $225, waxaad sidoo kale u diray xogta macmiilka iyo halkuu joogo, sidaas ayaana loogu dirayaa mobileki adiga oo kala hadhay faa’iidadii kuu saarnayd, runti aad bay u fududay marka si guud loo eego laakiin waa shaqo adag oo u baahan dedaal joogto ah iyo inaad macaamiil badan gaadho.
Waxaa jira waxyaabo ay tahay in maskaxda lagu hayo marka ecommerce la bilaabayo ee ugu horeysaba waxaana ka mida:
- Baro xaaladda suuqa: waa noocee xaalada suuqu ku jiraa
- Samee qorshe ganacsi: waa inaad u samaysa qorshe ganacsi waayo ganacsi.
- Dhis daacadnimada macmiilka: bilowga hore waa muhiim ah inaad macaamiil hesho.
- Dooro madal u fudud macaamiisha inay isticmaalaan: si aad suuqa u hesho dad badan gaadh.
- Ka taxaddar hababka lacag bixinta: lacag bixintu waa qodobka ugu muhiimsan
- La soco iibka: waa inaad isha ku haysaa dhaqdhaqaaqa websitekaaga markaste
- Xayeysii: u samee xayaysiis badan si aad u hesho macaamiil cusub.
Ugu dambeyn ecommerce waa madal ama suuq loogu tala galay in wax lagu kale iibsado, waxaan ka faa’idi kara qofkaste oo u diyaarsan, waa inaad barataa xirfadaha muhiim ah ee aan soo sheegnay.
Dedaal badana la timaadaa markaas waad ku guulaysan kartaa wax kaste oo kale.
