Dhaqaalaha Buluuga Ah (The Blue Economic)
Dhaqaalaha buluuga ah Qarnigan 21-aad ayaa wuxu la curtay hadalhaynta ah in cimiladii aduunku isbadashay oo ay kululaatay, sababtuna tahay kaarboonka sunta ah ee ka dhasha tamarta laga sameeyo shidaalka saliidda ee dhaqaalaha aduunku ku shaqeeyo. Waxaana furmay doodo u ololaynaya sidii uu aduunku tartiib uga takhalusi lahaa tamarta shidaalka una gudbi lahaa ‘dhaqqalaha cagaaran ‘(green economy) oo ku salaysan tamar cagaaran oo nadiif lagana sameeyo dabaysha, qoraxda, baytariyada, badda iyo waxyaale kale oo aan dhamaantood lahayn kaarboonka shidaalka ee aduunka kusoo kordhiya kulaylka isla markaana wisikheeya bii’adda ama deegaanka (environment). Arintaa dhaqaalaha cagaaran waxna way ka hirgaleen oo maanta waxaynu sida arkayna baabur ku socota dabka baytariyada (electric cars) iyo warshado ku shaqeeya tamarta cadceedda laakiin waxa jira wax badan oon wali ka qabsoomin sidii uu caalamku u yeelan lahaa dhaqaale ka nadiifsan tamarta laga sameeyo shidaalka ee sumanaysa bii’adda aynu ku noolnahay.
Hadaba waxa isna baryahan dambe aad looga hadlayey ‘dhaqaalaha buluuga ah’ (blue economy) iyo habkii sida qumman looga faaiidaysan lahaa. Waana ka aan maanta ka hadli doono insha allah, waxaad ka sheekayn doonaa wuxuu yahay dhaqaalaha buluuga ahi, sidii looga faa’idaysan lahaa iyo sidoo kale saamayntiisa uu yeelan karo.
Waa maxay dhaqaalaha buluuga ahi?
Marka laga hadlayo dhaqaalaha buluuga ah waxa dabcan loo jeeda wax-soo-saarka dhaqaale ee laga helo badda iyo wixii la xidhiidha taasina kuma koobna kaluunka oo kaliya balse waxa laga hadlaya nidaam dhan oo ku saabsan dhaqaalaha kala duwan ee kasoo baxa badaha oo kaluunku ka mid yahay iyo wixii kalee dhaqaale ah ee badaha la xidhiidha sida doonyaha iyo maraakiibta, dalxiiska xeebaha, tamar dhalinta ( renewable energy ) beeraha badda ee loo yaqqaan ‘aquaculture’ (waa xerooyin laga sameeyo badda dhexdeeda oo lagu beero kaluun, dhir,xayaabo iyo makhluuqaad kale ) , macaanaynta biyaha badda ( water desalination ) , xadhkaha keebalada isgaadhsiinta ee badda hoosteeda la dhigo, ciidda iyo macdanta badda gunteeda laga soo guro iyo cilmi baadhis lagu sameeyo waxyaabaha ku uuman badda.
Dhaqaalaha buluuga ah ee caalamka waxa hadda lagu qiyaasaa in ka badan $ 1.3 trillion sanadkii waxaana ka abuurma 30 milyan oo shaqo, waxa seh la saadaalinaya (OECD) inuu dhaqaalaha buluuga ahi aad u koobco oo uu gaadho $3 trillion sanadka 2030
Laakiinse fikradda dhaqaalaha buuluga ahi waxay ku qotantahay mabda’ ah in badda looga faaiidaysto hab waara (sustainable) taasoo micnaheedu yahay in la dhawro caafimaadka bii’adda ay baddu ku dhisantahay iyo tay ku fadhidaba si aanay waxyeelo laga soo waaqsan karinin usoo gaadhin jiritaankii iyo tarankii khayraadkii laga heli lahaa badda iyo deegaanka ku xeeraanba.
Dhaqaalaha buluuga ahi wuxu badda u adeegsanaya qaab ka duwan sidii hore ee aan tudhaalaha lahayn ee loo manaafacaadsan jiray. Qaabkii hore wuxu xaalufin jiray badaha oo matalan kulumaysigii xad-dhaafka ahaa wuxu keenay in la burburiyo ugxaantii kaluunka iyo bii’adii uu ku noolaan jiray iyadoo meelo badan lagu sheegay in kaluunkii ka dabargo’ay ama uu gabaabsi yahay. Waxa waxyeelo loo geystay shacaabigii badda hoosteeda ee ay noocyo ka mid ah kaluunku ku dhex dhali jireen isla markaana ay shacaabigaasi dalxiisku usoo daawasho imanjireen. Waxa cagta la mariyey dhirtii Mangrove-ka ee xeebaha ka ilaalin jirtay nabaad guurka iyo doogii badda hoosteeda ka bixi jray ee biyaha ka nuugi jiray kaarboonka (CO2) isla markaana dhoobada iyo ciidda ka sifaynjiray biyaha badda. Dabcan lagama sheekayn karo waxyeelada caafimadka badda kasoo gaadhay shidaaladi laga qodi jiray taasoo ay ku waxyeeloobeen makhluuqaad badan oo badaha ku noolaa oo hadda lagaga faaiidaysan lahaa taknaloojiyadda cusub.
Dhaqaalaha buluuga ahi waa mid ku salaysan inuu isbixiyo dhaqaale ahaan, bii’ad ahaan iyo bulsho ahaanba waxaanu dan u yahay dalalka yar-yar ee xeebaha ku yaala, waa hadii ay ku camal falaane.
Faa’iidooyinka dhaqaalaha buluugah
- Shaqo abuur iyo dakhliga kobcinaya fursadaha shaqo ee xeebaha iyo magaalooyinka dekedaha, iyo guul ahaan dhaqaalaha waddanka.
- Waxaa markaste la heli karaa cunnada kalluumaysi iyo aquaculture oo loo maareeyo si waara waxay kordhiyaan sahayda cuntada ee insaanka taasi oo ka qayb qaadanayso la dagaalanka gaajada lagula jiro.
- Tacliin iyo saynis horumarinta cilmi-baarista badda waxay dhiirrigelisaa teknoolojiyad iyo aqoon cusub, oo lagu soo kordhiyo aqoontii hore loogu lahaa noolaha badda
- Isbeddelka cimilada iyo tamarta nadiifka ah tamarta badda waxay ka qayb qaadataa yaraynta qiiqa hawada, kaasi oo dhib ku ah cimilada adduunka.
Caqabadaha iyo Khataraha
- Kalluumaysi xad-dhaaf ah iyo burburka noolaha badda oo sare u kaca.
- Wasakheynta badda (sidoo kale plastics iyo kiimikooyin) oo dhaawacaya deegaanka iyo caafimaadka dadka labadaba kuwaasi oo aan u fiicnayn cimilada.
- Khilaafaad xuduudeed iyo maamul la’aan gaar ahaan marka kheyraadku ka badda iyo xuduudaha caalamiga ah.
- Maalgelin yari iyo awood farsamo oo hooseysa dalalka soo koraya ayaa mararka qaarkood ka gaabiya hirgelinta mashaariic waaweyn sida offshore wind ama dekedo casri ah kuwaasi oo faa’ido badan keeni lahaa.
- Saameynta isbeddelka cimilada heerarka badda oo kacsan, kuleylka badda, iyo dhacdooyinka cimilada xun ayaa khatar ku ah nolosha badda iyo dhaqaalaha xeebaha.
Gunaanad
Dhaqaalaha buluuga ah “the blue economic” waa fursad istiraatiiji ah oo lagu gaari karo kobac dhaqaale oo waara iyo ilaalin deegaanka badda isku mar. Si guul loo gaaro waxay u baahan tahay qorshe qaran, maalgelin, aqoon, iyo iskaashi gudaha iyo mid caalami ah. Haddii si xigmad leh loo maamulo, xeebaha iyo badda waxay noqon karaan il dhaqaale oo muddo dheer taageerta bulshada iyo horumarka dalka, maanta waxaa la ogaaday in khayraad baddu kun jeer ka badan yahay khayraadka bariga ee la yaqaano qiyaastiisa, taasi waxay ka dhigay tahay in haddii si fiican looga faa’idaysto looga bixi karo saboolnimada maanta dunida ka jirta ee dad badan dhibka ku haysa, marka laga hadlaayo dhaqaalaha buluuga waa culuum dhan oo u baahan barasho gooni ah, wuxuu ka kooban yahay qaybo badan oo kale duwan, qayb kastena waxay rabtaa aqoon gaar ah, waddankeena wuxuu ka mid yahay wadama leh badda ugu dheer taasi waxay ka dhigtay mid qani ku ah dhaqaalaha buluuga ah, dhaman nooc yadiisa kale duwan, haddii la helo sharci lagu maamulo wuxuu fursad siin karaa dad badan oo maanta shaqo la’aan ah kuwaasi oo kaliya u baahana in tababar la siiyo iyo sidoo kale in maalgalin bilowga hore loo sameeyo.
