Maxaa keena Daalka Badan
Daalku dhibaato lasoo darista qofka, taasi oo ka dhalata degenaansho haysata qofka, waxaana keeni kara arrimo fara badan, wuxuu qofku ka daali karaa jidhka ama maskaxda labadaba, halka marna suura gal ay tahay inay isu raacaan jidh ahaan iyo maskax ahaanba, inaad Fahamto sababta keentay daalkaasi waxay kaa caawinaysaa inaad xal u hesho ugu yaraan, waa haddi aanad ka hortagi karin, sidas darteed maanat waxaan ka hadli doonaa dhawr qodob oo la aaminsan yahay inay dhibaatada ugu badan ee keeni karta daalka faraha badan ee wakhtigan aad ka looga cabanayo dhinac walba oo ka mida bulshadeena:
Nafaqo-yaraanta: yaraanta nafaqooyinka lagama maarmaanka ah, sida fiitamiinnada, macdanta ama borotiinka waa sabab ka sababaha keeni dhibaatada daalka inay qofka lasooo daristo, daalku wuxuu wax u dhimi karaa wax soo saarka tamarta wuxuuna horseedi karaa dhibaatooyin kale oo horle haddii laga hortagin xilli ku habboon, sidiiba daalku waa calaamad ku tusinaysaa inay wax qaldan yihiin laakiin waxaa qaldan ma garan kartid adigu ilaa is baadho maahee, markii haddii aad isku aragto daal joogto ah fadlan dhakhtarka aad, taasi micnaheedu maaha inaanu qofku marna daali karin waad daalaysaa mararka qaar ee waxa laga wadaa waa haddii uu soo noqnoqdo oo uu joogto noqdo, waliba adiga oo laga yaabo inaad waxba qaban aad isku aragto ama adigoo imika soo kacayba taas baa loo jeeda, markaas nafaqada oo qofka ku yaraataa waa sabab ka mida sababah kugu keenaya daalkaas badan.
Hab-nololeedka: qaab nololeelka qofku wuxuu saamayn ku yeelan karaa caafimaadkiisa, Dhaqdhaqaaq la’aanta jidhka waxay kugu keeni kartaa ama sababi kartaa waxyeelo caafimaad, haddii qaab nololeedkaaga fadhigu ku bato waa calaamad kale oo sababi karta dhibkan daalka joogtada ah, waayo waxaa hoos u dhacaya awoodda murqaha ka dibna tamarkii la isticmaali lahaa ayaa meesh ka baxaysa, samee Jimicsi fiican haddi aad hayso shaqo fadhi u badan, haddi kalena ugu yaraan samee socod maalinle ilaa 30 minutes maalinkiiba, waxaad kaga badbaadi kartaa xanuuno badan oo ka dhasha socod la’aanta ama fadhiga fara badan.
Murugada: depression waa xaalad caafimaadka oo qofku galo markuu maarayn kari waayo dareenkiisa gudaha ama maskaxda,wuxuuna qofki gaadhi kara xaalad culus haddi aanu iska gaadhin markiiba, waad murugood kartaa waayo adduunkaa dhib ka samaysan laakiin waa inaad maaraysaa murugadaada oo aanay kula fogaan, waayo waxaa la dhalan kara xanuuno kale oo aan iyaga waxba laga qaban karin hadhow, markaas waxaa fiican inaad ka hortagto intaanay halkaasi kula gaadhin oo caafimaadkagu khatat galin, gaar ahaan qofka muslimka ah looga ogola murugo iyo werwer toona, waxaa laaga filan inaad si fiican u caabudo oo ah daawada ugu fiican ee lagu dawayn karo, caalamada lagu garto murugo joogto ah iyo luminta xiisaha, inta badan waxaa weheliya daal iyo dhiirigelin la’aan, waayo qofku sidiisaba wuxuu ku shaqeeyaa waa niyadda hadduu waayo niyad fiican wax badan ma qaban karo, wuxuu u muuqanayaa markaste mid daalan laakiin daalkiisu waa dhinaca maskaxda ee maaha jidhka oo kaliya kaas ayaana ka daran daalka jidhka ku yimaada.
Cadaadiska: Cadaadiska joogtada ah & welwelku waxay waxyeello u geystaan caafimaadka jireed iyo maskaxeed labadaba, taasoo u horseedda daal iyo gubasho.
Culayka badan ee qofka lasoo gudboonaada wuxu yareeyaa wax soosaarka qofeed si maalinle, sidaasi oo ay tahayna wuxuu keeni karaa caafimaad daro kale oo dhinaca maskaxda ah, haddi aad ku shaqayo culays badan waxaad ogaataa inaad ka kulmi karto daal iyo xaalado caafimaad oo kale markaas waxaa kuu fiican haku shaqayn culays aanad qaadi karin marna, wuxu saamayn ku yeelan karaa guud ahaan xaaladaada caafimaad kumana fiicna.
Cunto aan isku dheeli tirnayn: cuntada aan cunaa waa qayb weyn oo ka mida nolosheena guud iyo nolol maalmeedkena, sidaas darteed waxaa muhiim inaad ka war qabno waxaan cunayno waayo waa waxa aynu ku tamarin doono, cuntada ama diet ku waa inuu noqdaa mid isku dheelitiran oo ka kooban dhamaan noocyada cuntada sida: proteins carbonates iyo fats oo aan kala maarmi karin, haddii uu mid ka mid ah maqnaado wuxuu saamayn karaa jidhka qofka bini aadamku ah, waxaana ka dhalan kara dhibaatooyin fara badan, sidaasi darteed inuu qofku cuno cunto aan isku dheeli tirnayn waxay sababi kartaa inuu qofku dareemo daal joogta ah oo ka dhalan cunto xumadaas qofku ku jiro, markaa ku dedaal inaad hesho cunto fiican oo dhamaystiran.
Dhamaan qodobadaasi waa kuwa muhiim u ah nolosheeda inaan iska saxnaa fiican si aan ugu noolaano noloshaan rabno ee fiican, ee ku dedaal ilaalintooda midkaste oo ka mid ah.
