Dhalinyaro: 9 kan qodob iska ilaaliya

Dhalinyaradu waa laf-dhabarta horumarka iyo hogaanka mustaqbalka ee bulsho kasta. Waa marxalad nolosha ka mid ah oo lagu jiro kobac, leh tamar badan oo ay fursado badan ku jiraan. Si kastaba ha ahaatee, waa xilli sidoo kale ay dhalinyaradu la kulmaan caqabado iyo doorashooyin adag oo saameyn ku yeesha noloshooda mustaqbalka. Qaar ka mid ah doorashooyinkaas waxay u beddelaan caadooyin xun oo si tartiib ah u burburiya kartidooda, caafimaadkooda, iyo hamigooda nololeed. Sidaas darteed, waxaa muhiim ah in la aqoonsado caadooyinkaasi si loo fahmo khatartooda loona helo wacyi iyo xal waara. Hadaba waxaad maanta ka hadli doonaa qaar ka mida caqabadahaas iyo sidii qofka dhalinyarada ahi isaga maarmayn lahaa ee aanu ugu halaagsami lahayn.

  1. Saaxiibada xun-xun: inaad yeelato ama ka mid noqoto saaxiibo aan wanaagsanyn waxay ku dhaxalsiinaysa hore mar la’aan iyo guul daro aanad kasoo kaban karin markaad waynaato, taasi nolohaada ka dhigaysa mid aan qiimo lahayn hadaba iska ilaali asxaabta xun-xun intaad yartay o haka mid noqon naadiyada aanan waxba ka faa’idayn.
  2. Wakhti lumin: wakhti waa waxa ugu muhiimsan ee aan haysno intaan noolahay, hadaba qofka wakhtigiisa luminayaa waa qof aan garan  muhiimada uu leeyahay wakhtigaasi qaaliga ee uu haystaa, maadaam oo aanu garanayn waxa suuro gal ah inuu ku  bixiyo meel aan ku munaasab ahayn waktigiisa qaaliga, marka dhalinyaro la yahayna wuu kasii qaalisan yahay, waayo waa wakhtiga jaangoynaya sidaad noqonayso inaad nooshahay sida badan, soddonka sano ee ugu horeeya noloshaada waxaad galiso uunbaad guranaysaa inta hadhay nololshadaa.
  3. Isticmalka badan mobilka: maanta waxa caan ah Isticmaalka faraha badan ee baraha bulshadu ku xidhiidha, kaas oo dhalinyaradii u noqday balwad aanay iska dayn karayn xitaa wakhti kooban, waxaa maalin walba kaga lumaya wakhti aad u badan kaas oo ay wax faa’ido leh ku qabsan karayn hadday iska daayan. Hadaba waxaa muhiim ah inaad iska yarayso haddii aanad iska dayn karayn, maadaama oo uu khasaarihiisu ka badan yahay faa’idadisa waayo way yartay inteena dhalaaqe ka samaysa ama wax ka barata, waxaana markasta ka badan inta iska daawata
  4. Cibaada la’aan: intaad yartay waxaad ilaalisa salaada iyo noocyada cibaadada, taasi waxay kaa caawin doontaa markaad waynaato inaanay culays kugu noqon salaadu iyo dhamaan camalada wanaagsan, waana sifo fiican oo alle ku amaanay adoomihiisa ilaaliyaa inay jano leeyihiin, sidaas darted la noolow cibaadada wakhti kastena ilaali.
  5. Balwada: maanta hadaad dhalinyaro tahay fadlan ka dheerow intaad yartay wax kaste oo balwad ah si noloshaada dambe u noqoto mid guulaysata, waayo aad ayay u adagtay inaad hore u socoto adiga oo qabatimay nooc ka mida balwadaha maanta ay dhalinyarada nolosha ka riday, haddii waagii hore balwadu ahayn qaad iyo sigaar, maanta waxaan odhan kaartaa kuwaasi waa kuwa ugu sahlan ee la qabatimo, marka loo eego noocyada kale ka khatarta badan ee maanta socda oo aan waxka reebayn, markaas ka dheerow nooc kaste oo balwad ah intaad yartay.
  6. Aqoon la’aanta: intaad nooshay jaaniska ugu fiican ee aad wax ku baran kartaa waa intaad yartay, mana jiro wakhti kale oo aad ku baran kartid oo la mida wakhtiga dhalinyarnimo, hadaba waxaa muhiim ah inaad aqoontaada dhistid intaad yartay ee aad waliba jaaniska hayso, waayo ma ahan wax markasta joogaysa ee marxalad laga gudbayo haddi aan laga faa’idaysan.
  7. Go’aanka deg-deg ah: marka aad noloshaada go’aan muhiim ah gaadhayso deg-degagu kuuga fiicna, waayo waxaad if-duufi kartaa qodobo kaga maarmaan ah, hadaba marka aad dhalinyarada tahayna degdegu wuu kugu badan yahay, “nin yari intuu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa” waa maahmaah somaliyeed oo ku sutaysa siday muhiim u tahay inaad go’aanada aad qaadanayso inaad ka fiirsataa, waayo waxay saamayn togan ama taban ku yeelanayaan noloshaada dambe oo dhan markaa haku degdegin.

 

  1. Kibirka: marna ma banana ama ma fiicna kibirku waayo ilaahay aya innaga reebay inaad kibirno, waxaan nahay insaan daciif ah inaan isla weyne muujinaa si kaste uma banana, dadka ula dhaqan si caadi ah oo aan ka badbadin lahayn haddad wax haysato iyo haddi kaleba, markaste kibirku ma fiican oo wax bannaan maaha markaas yartayna wuu kasii daran yahayba.
  2. Hurdo la’aanta joogtada ah: hurdo la’aantu waxay keentaa daal joogta waxayna yaraysaa wax soo saarka qofka, haddaba soo jeedka badan kuuma fiicna intaad yartay, haddii laga maarmi waayo waa inaad ugu yaraan saacado seexataa Habeenkii oo aanad soo wada jeedin, waxaana laga qaada xanuuno fara badan cimri degdegu ka mid yahay, haddaba wuxuun ka seexo habeen si aad u ilaashato cafimad qabkaaga waayo intaad yartay waa kuu muhiim hurdadu.
  3. Ilaali cuntada: inaad cuntadaada ilaalisa waxay ka qayb qaadan kartaa caafimaad qabkaaga guud waayo qofku waa wuxuu cuno uun, markaad isticmaasho cunto caafimaad qabta taasi waxay kaa dhigaysaa mid caafimaadkiisa fiican yahay, in kastoo alle caafimaadka hayo haddana waxaa jirta sabab wax kaste ka dambeysa, Markaas ku dedaal waxaad cunayso xilli kaste.
  4. Samee Jimicsi: samee Jimicsi joogto ah wuxuu kaa caawin karaa caafimaadka jidhka waayo, waxaad ka shaqaysiinaysaa dhamaan xubnihii, markaa qofka dhalinyarada ah waa u muhiim inuu jimicsadaa waliba si joogto ah
  5. Werwelka badan: waxaa fiican inaad welwelka badan iska yarayso si uuna caafimaadkaaga u wax yeeleyn, intaad caafimad qabto wax badan ayaad haysataa oo aad garan doonto maalinka aad xanuunsato, marka werwerkuna wuxuu ku yeelaysaa badan markaste.

Dhalinyaradu waa mustaqbalka bulshadeena iyo hogaamiyeyaasha beritoole, balse waxaa jira caadooyin xun oo hadii aan la iska ilaalin si xun u saameyn kara noloshooda. Waxaa ka mid ah hurdo la’aan, isticmaalka maandooriyaha, waqtiga lagu lumiya baraha bulshada, iyo saaxiibbo xun. Sidoo kale, dib u dhigashada hawlaha muhiimka ah, kharash garayn aan xadidneyn, iyo ka fogaanshaha horumarinta nafta ayaa hor istaagi kara guusha dhalinyarada. Waa muhiim in ay ka fogaadaan caadooyinkaas si ay u gaaraan himilooyinkooda una noqdaan dad wax tar u leh naftooda iyo bulshadoodaba.

Dhamaan qodobadani waa muhiim inaad iska ilaaliso waxaan sii muhiimsan markaad yartay ee aad soo korayso, waayo dhamantod waxay saameyn xun ku leeyihiin caafimaadkaaga jidheed ama maskaxeed oo dhibaato badan ayay kuu geysan karaan haddanad ka hortagin, markaas faldan ka taxadir halistoda oo yaanay ku saamayn adiga oo aan ageyn ama aan dareen sanayn, waanay sii kala daran yihiin.

Leave a Reply

Contact Form Demo (#4)