6 Caado oo dhaqaale xumaanta laga baxo

Hordhac:

Saboolnimadu waa xaalad adag oo saamayn karta dhammaan dhinacyada nolosha qofka caafimaadkiisa, waxbarashadiisa, xiriirkiisa bulshada, iyo mustaqbalkiisa. In kasta oo duruufaha nololeed ee adag ay mararka qaar qofka ku khasbaan saboolnimo, haddana waxaa jira habab lagu jebin karo silsiladda saboolnimada. Waxaa muhiim ah in aad barato caadooyin cusub oo horumarinaya nolosha, kor u qaadaya dakhliga, kana fogeeya kharashyada aan loo baahnayn. Qof kasta wuu awoodaa inuu noloshiisa beddelo haddii uu yeesho go’aan adag, aragti fog, iyo caadooyin wanaagsan. Qormadan waxaad ku baran doontaa lix caado oo muhiim ah oo kaa caawin kara inaad saboolnimada kaga baxdo, ugana gudubto nolol barwaaqo leh.

Waa caadooyin la tijaabiyey oo midho dhal ah kaana saari kara haddii aad ku jirto wareega saboolnimada, inaad faqiid ahaata maaha wax cayiman ee marxalad guud oo la wada maro waxaana ka gudba uun qofkii la yimaada dedaal dheeraad ah kalsooni iyo talo saarasho rabi, haddii intaas lagaa helana waxaa hubaal ah inaad wakhti yar kaga bixi doonto, waayo adduunka ma jirto marxalad lagu waarayo, oo marxalad kaste waa maraa ka dibna laga gudba. Waa hubaal haddii aad raacdo dhamaan qodobadan oo aad caado ka dhigato inay guul kuu horseedi karaa, waa haddi waa joogteyso oo ku celceliso.

  1. Qorsheynta Dakhliga iyo Kharashaadka

Caadada ugu horreeya ee guusha dhaqaalaha waa inaad si sax ah u barato sida loo qorsheeyo dakhligaaga iyo kharashaadkaaga. Qor wixii lacag ah ee kuu soo gala, iyo wixi kaa baxa iyo waliba meelaha ay ku baxaan, markaad intaas fahanto waxaad maamuli kartaa dhaqaalahaaga, adiga oo iska yaraynaya qarashaadka aan muhiim ahayn ee kaa baxa, markaste oo aad yarayso qarashka kaa baxa waxad badinaysaa faai’dada, qorshaynta dhaqaalaha waa calaamad muujinaysa inaad leedahay hore socod fiican ama koritaan maaliyadeed, haddii aad ku guulaysatana waxaad ku guulaysan kartaa arrimo kale oo badan markaas ku dedaal inaad maarayso wixii kusoo gala yaba yaraadaane, waayo qofka inta yar maareeya ayuunba in badana maamuli karra.

  1. Barashada Xirfado Cusub

Xirfadaha cusub waa furaha laga galo fursadaha shaqo ee wanaagsan. Haddii aad barato xirfad ay suuqu u baahan yahay sida kombiyuutarka, farsamada gacanta, ama luuqadaha kale waxaad kordhinaysaa fursadahaaga dakhliga. Waxbarashada joogtada ahi waa maalgashi noloshaada.

Waa inaad markaste kordhisaa xirfadaha aad leedahay taasi waxay kaa caawin kartaa inaad hesho jaanisyo fiican oo aad dheertay dadka kale, barashada xirfada cusubi maa kaliya inaad shaqo ku heshid balse waa jaanis naftaada meel sare ku gaadhsiinayso, ku dedaal inaad yeelato xirfado badan si aad dad badan u tartami karto, farsamada waa waxa kaliya ee ku geyn kara meel sare haddi aad ka run sheegto waxaad baranayso oo aad si dhab ah u baratid weeye.

  1. Bilaabidda Ganacsi Yar

Ganacsigaaga gaarka ah wuxuu noqon karaa furaha aad ku gaarto madax-bannaani dhaqaale. Waxaad ka bilaabi kartaa ganacsi yar oo aad qaban karto adiga oo guriga jooga, sida iibinta alaabo, farsamooyinka gacanta, ama adeegyo bulshada u baahan tahay. Bilaaw yar ayaa noqon kara guul weyn mustaqbalka, ganacsi kaste mar hore waxaa lagu bilaaba wax yar oo taasi maaha ceeb laakiin waa inaad lahaataa hami sare iyo dhabar adayg aad meel sare ku gaadhi karto, haddi waa qorsha fiican oo ganacsi waa hubaal inaad ka dhex bixi doonto kunaal caqabadood oo kulasoo darsa, markaas waa adiga iyo dedaal kaas, ganacsigu waa mid ka mida fursadaha aad meel sare ku gaadhi karto ayidoo cid kale ku caawin.

Waa fursada badan yahay ganacsigu marka si fiican looga faa’idaysanayo ee aan la dayacaynin, wuxuu ku noqon karaa il dhaqaale oo fiican oo aad dakhli fiican ka samayso adiga oo aan dhib badan u marin, markaas waa jaanis meela badan ka banaan oo ku xidhan ugu dadaasho uun.

  1. Kaydinta iyo Maalgashiga

Inaad lacag keydsato waxay kaa caawisaa inaad u diyaargarowdo xaaladaha lama filaanka ah. Marka aad hesho kayd ku filan, waxaad sidoo kale baran kartaa sida loo sameeyo maalgashi yar-yar oo faa’iido leh, sida dukaanno, beer, ama xitaa suuq-geynta internetka.

Sidiisaba qofkii kayd leh ayaa hore socod yeelan kara oo wax cusub ku dhiiran kara laakiin haddii aanad kayd lahayn waxaad la dagaalamaysaa nolol maalmeed kaagu uun, qof nolosha la dagaalamayaana meel dheer ma gaadhi karo, sidaas dartees samayso kayd fiican si aad ugu dhiiran karto inaad wax cusub tijaabiso, kayd ka micnahiisu maaha lacag meel iska taala oo kaliya ee wuxuu noqon karaa wax kale oo dhaqdhaqaaq samaynaya.

  1. Ka Fogaanshaha Deyn Aan Loo Baahnayn

Deyntu haddii si xun loo maareeyo waxay noqotaa culeys dumin kara nolol dhan. Iska ilaali deymaha dulsaarka badan ama aan ujeeddo cad lahayn. Haddii aad qaadanayso deyn, ha ahaato mid lagu horumarinayo mustaqbalka sida waxbarasho ama ganacsi. Sidiidaba dayntu ma fiicna qaadashadeedu waa inaad ka dheeraato intaad awoodo, haddi laga maarmi waayana waa inaad si qorshaysan u qaadataa oo aadan iska guran, waliba waxaa aad u daran waa ta dulsaarka leh ee lacagta dheeriga ah ku saarantay markaste, haddii aad qaadanayso waxaa fiican inay ahaato mid aad ku shaqaynayso ee aanad cunayn, way kale duwan yihiin inaad dayn shaqo u gasho iyo inaad ka dhigato waxaad cunaysay adigu, tan dambe ayaana khatarteeda leh oo ku saamayn karta markeste, laakiin haddii ay wax kusoo galinayso way dhaantaa kuwa kale ee aad adigu isticmaashay.

  1. La Soco Dad Horumar Leh oo Kuu Horseedi Kara Dhiirrigelin

Bulshadu waxay saameyn weyn ku leedahay fikirkaaga iyo dhaqankaaga. Haddii aad la dhaqanto dad leh yoolal nololeed, dadaal, iyo himilo, waxaad sidoo kale qaadanaysaa caadooyin wanaagsan. Ka fogow dadka niyad-jabka ah ama ka hor imanaya horumarkaaga.

Waxa ugu badan maanta qof dhalinyara ah saamayn karaa saaxiibadiis ama ha xumaadaan ama ha wanaagsanaade, wuxuunbaad noqonaysaa cidaad la saaxiibto ee aad inta badan la joogto, sidaas markay tahay waa kuu muhiim inaad doorato asxaab fiican oo xaga kheyrka kuu jiidaya. Haddi waxay kugu sababi doonaan dib u dhac aad u wayn oo aanad kasoo kaban karin waliga.

Sidiisaba qofka bini aadamku ahi ku arkaa wixii u dhaw, wuxuna noqdaa wuxu ku celceliyo in badan, markaas waa qasab inuu ku saameeyo saaxiibkaa, waliba adiga oo aan dareemaynin saamayntiisa, markaas saaxiibada wanaagsan waa ka mid ah hore marka waa caado fiican oo ku tusinaysaa muhiimada ay leedahay inaad ku xidhnaato dad xaga kheyr kuu jiidaya.

Gabagabo:

Saboolnimadu ma aha xaalad weligeed soconaysa ee ku meel gaadh waa haddii aad diyaar u tahay inaad beddesho habkaaga fikirka iyo dhaqanka. Haddii aad ku dhaqanto caadooyinkan si joogto ah, waxaad tallaabooyin cad u qaadaysaa nolol ka duwan tii hore mid deggan, horumarsan, kana fog saboolnimo. Hadda bilow, hana ka daalin! Waxaad samayn kartaa dhaqaale fiican adiga oo yar, waa haddi aad marto wadada saxda ah lagu gaadhi karo hore marka joogtada ah, kana fogaato waxkaste oo aan dantaadu ku jirin ee aanad waxba ka faa’idayn.

shimaali.com

Leave a Reply

Contact Form Demo (#4)