Business Plan “Qorshe Ganacsi”

Qorshe ganacsi document qoran oo dhamaystiran oo u adeega sida khariirada ama waddadii loo mari lahaa si loo sameeyo ganacsi guulaysta, wuxuu qeexaya dhammaan yoolalka, xeeladaha iyo odoroska maaliyadeed ee ganacsiga shirkadeed ilaa la gaadhayo ujeedka loo socday ee ah dhamaadka

Wuxuu sharaxayaa sida shirkadu u shaqaynayso, macaamiisha la rabo in la gaadho, sida loo gaadhayo, baahida ka jirta suuqa iyo suuq-geynta falteeda oo muhiim ah marka la joogo businesska ama guud ahaan dhaqaalaha.

Qorshaha ganacsi wuxuu kaa caawin karaa inaad fikrado cusub hesho, ganacsigaaguna uu bilowga hore guulaysto, sidoo kale maamulida hawlaha iyo koritaan joogto ah, si kooban qorshe ganacsi waa shaqo muhiim ah, wuuna ka balaadhan yahay wax warqad kaliya lagu qoray, waana waxa ugu muhiimsan ee ganacsi ku guulaysto ama ku guul daraysto.

Mar kale qorshe ganacsi waa document sharaxaya sida ganacsigu u shaqaynayo, qaab dhismeedkiisa, ujeedadiisa, marxaladaha muhiim ka ah iyo cadayn maaliyadeed intaba, markale waa hage ku caawinaya.

Maxaynu uga baahanay Business Plan

Ujeedada ugu muhiimsan ee qorsha ganasi waa inuu kugu hago ujeedka aan ka leedahay ganacsigan ama hawshan aad wado iyo Talaabooyinka aad qaadi doonto si aad halkaas u gaadho, inaad leedahay qorsha fiican waxay kaa caawinaysaa inaad samayso qorshe fiican marka loo eego qorshe la’aanta.

Faa’idooyinkani waxay si toos ah ugu xidhan yihiin sidaad qorista qorshaha ay kaaga dhigi karto mid xog fiican haya una diyaar ah inuu hal-abuur ganacsi sameeyo, sidoo kale inaad yarayso khatarta ganacsiga haddii ay yimaadaana aad xalin karto markiiba.

Khaladka ugu weyne ee aad samayn karto waa inaadan qorin qorshe ganacsi, kan labaadna waa inaanad markasta cusboonysiin, markaad si joogto ah dib ugu eegto qorshahaaga waxaad fahmi kartaa qaybaha kuu shaqeeyey iyo kuwa aan kuu shaqayn ee waxka beddelka u baahan.

 Qor Qorshahaaga

Fahamka halka aad u socoto iyo halkaad ka dhaqaaqayso waa u muhiim qorshahaaga ganacsi, inaad qortaa waxay kaa saacidi kartaa inaad maskaxda ku hayso markaste waxad doonayso ama u baahan tahay, qorshuhu waa meesha aad ka bilaabayso ganacsigaaga iyo targetkaaga ugu dambeeyay ee aad rabto inaad gaadho iyo wixii isku xidhaayay oo ah ganacsiga aad waddo, markaas way isku wada xidhan yihiin dhammantood waxana saldhig u ah business plan, oo isaga la’aantii waxba ma suura galayaan ee waa bridgeka ama buundada isku haysa. Maqaalkani wuxu kuu diyaarinayaa inaad ka gudubto caqabadahaas, wixii xumaada aad dib ka hagaajin karto.

Maalgelinta

Markaa qorshe ganacsi samayso ama aad dhammaystirto waxa ugu horeeya ee kugu soo dhacaya waa maal-galinkii ganacsigaa aad qorshaysay ama ku talo gashay, haddaba maalgalintu waa tiir muhiim u ah fulinta qorshahaaga, maal-galintu waa qarashkii ama dhaqaalihii aad ku bilaabi lahayd ganacsigaa, sida caadiga ahna adiga ayaa ka masuul keenida lacagtaa bilowga hore ee ganacsi meel aad ka keentaba, waayo waa wixii aad shaqada ku socodsiin lahayd ama Running costs, waana qayb ka mida qorshaha ganacsiga waayo waxaa ku xidhan dhamaan waxyaalaha kale sida badeecada, adeeg macaamiisha, suuq-geynta iyo gaadhida suuq dihin ama aan wali la gaadhin ee ay baahida ka jirto.

Maamulida

Maamulidu “management” waa kala socodsiin shaqooyinka maalinlaha ah ee shirkada, qofka hawsha wadana waa maamule ama maamul, haddaba waa maamulidu waa inay ka qayb noqotaa qorsha guud ee shirkada bilowgeeda horeba, hadday lacagtu muhiim u tahay shirkada maamulkuna waa cidii shaqadaa qabanaysay ee kala wadi lahayd, qorshe kastoo fiican hadaad samayso oo aan maamul jirin wax sheegi maayo, waayo waa cidii fulin lahayd ee ka mas’uulka ahaydba, sidaas darteed intaa wax kaleba la gaadhin waxaa muhiim ah in la dejiyo maamulkii shirkadaas ama shaqadaas gaarka ah qaban lahaa ee lagu aamini lahaa, waxa jirta marka shirkadu yar tahay in mulkiidaha iyo maamulku isku mid noqdaan, taasi ma fiicna waa haddii laga fursan karro dhinaca dhaqaalaha iyo duruufaha kaleba.

Muxuu ka Koobanyey buseniess plan

Qorshaaga Ganacsi wuxuu ka koobnaan karaa waxyaalaha lagama maar-maanka u ah ganacsigaaga sida summary ama soo koobid, sharaxaada shirkadaada, falanqaynta suuqa, hab maamulka shirkada, wax-soosaarka, suuq-geynti iyo waliba dhaqaalihii loo qorsheeyay.

Mid kasta ka mida wuxuu leeyahay muhiimad gaar ah taas oo aan laga maarmi karin sidoo kale waxaa jira kuwa kale aanan halkan ku sheegin oo lagu dari karo sida fulinta shaqada oo kale, haddi intaas si fiican loo wada saxo waa suura-gal in qorshahaas ganacsi guulayesto bilowga horeba, inkastoo guusha hore aan laysku halayn karin, haddana waa fariin fiican marka planingka la joogo, waayo waxa ugu muhiimsan ee aadka fekeraysaa markasta winning “guusha” meelkasta joogto.

Business Summary

Waa qorshahad guud ee shirkada oo si guul loo eegay, waa mid kooban oo aan faah-faahsanayn sida caadiga kama bato hal ama laba boga oo kaliya waayo looma baahna sharaxaad dheeri ah, inta ugu muhiimsan ee lagama maarmaanka ah ayuu xusaa sida badan,

Magaca shirkada, waxay ka shaqayso, ma adeegbaa mise waa Badeeco, hab maamulka, dhaqaalaha ayaa ugu muhiimsan waxa ka heli karto marka la joogo summary waana intay u dhimantay haddaan si kale u dhigo waayo waa xogtii oo kooban laakiin dhamaystiran, waana sababta loogu soo horeysiyo badana marka la qorayo.

Badeeco Mise adeeg

Marka business la joogo ama ganacsi waxa laga shaqaynayaa badana laba midkood ayuu noqdaa, in alaab la iibiyo ama wax la taaban karo iyo in adeeg la bixiyo, sidaas darteed business is a product or service, waana kale duwan yihiin dhinac faa’iidada iyo khasaaraha.

Qorshe ganacsi markaad samaynayso waa kuu muhiim inaad qeexdo ganacsigaagu ma badeeca mise waa adeeg, si ay kuu fududaato samaynta qorshahaaga ganacsi, Badeeco waa ka ganacsiga wixii alaab ah sida: raashinkii, dawooyinkii, dharkii iyo waxkaste oo la taaban karo, halka adeegu yahay bixin adeegaya aasaasiga ee bulshada sida laydhka ama korontada, isgaadhsiinta iyo adeega internetka.

Fahamka suuqa

Suuqu waa meesha ugu muhiimsan ee lagu dagaalamo si macaamiil looga kasbado, fahankaaga suuqu wuxuu ku siiyanaa fursado badan oo aanad ka maarmi karin, shirkadaadu waxay ku xidhantahay shaqadeeda iyo inay sii jirtaaba waa siday markiiba suuqa ula qabsato ee macaamiil uga hesho.

Market analysis ayaa la sameeyaa marka shirkad cusub suuqa soo galayso si ay u fahanto meesha loo socdo ee jaanisku ku jiro iyo waxa markaas socda ee suuqa leh, waa haddii shirkadu kasoo baxday booska cidii ugu jirtay ay garato shaqadeed, sidaas darteed business plan waxaa ku jira markasta qaybta oo ah market analysis taas oo kuu saamaxaysa la jaanqaadkaaga guud ee suuqa iyo kasbashadaada macaamiil badan bilowga horeba, samee falanqayn badan oo ku saabsan suuqa sidii aad ugu gali lahayd.

Suuq-geynta Iyo Iibka

Marketing and sells ama suuq-geynta iyo iibku waa laba qodob oo muhiim, jiritaadkaaga ganacsi markaste, suuq-geyntu waa inaad alaabtaada suuqa soo galisid dad cusubna gaadhsiisid magacaaga iyo sumaddaada, iibkuna waa wixii socdayba oo ah in waxsoosaarka shirkada suuqa la geeyo si looga faa’ido mustaqbalka dhaw, maarkaa laba shay oo isku xidhan markaste.

Suuqa in la gaadho oo la galaa waxay u baahan tahay dedaal fara badan, kharash iyo sidoo kale dad aqoon u leh suuqa iyo iibka waxa laga ganacsanayo markaas, intaas haddii la helo shirkadu waxay samayn kartaa dhaqaale ka fiican kuwa ay la tartanka kula jirto ee ay suuq wadaagta yihiin sidaas darteed iibka iyo suuq-geyntu waa inay ku jiraan qorshaha ganacsi bilowga horeba.

Habaynta Iyo maamulida

Maamulida iyo Habaynta ama hagaajinta ganacsigu waa xeer ka mida xeerarka samaynta qorshe ganacsi si lo helo miisaan ama isku dheeli-tirnaan dhamaystiran oo shirkadu ku socon karto xaaladkaste oo ay gasho, waxaan ku xidhan shaqada iyo wax soosaarkeeda, maadaama yihiin tiirarkii business plan

Habayntu waa isku xidhnaashaha shaqo es shirkadu yeelanayso si loo gaadho guusha, maamulida waa qodobkii aan hore usoo marnay oo ah cidii hawshaas qabanaysay xilli kastena heeganka u ahayd shirkada, waxay noqon karaa hal qof ama group dad ah oo leh hal maamul.

 

 

Leave a Reply

Contact Form Demo (#4)